177 entries

Articles Published in November, 2013

Dhageyso Warka Axadnimo ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Dhageyso warka Sagalradio

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya oo ka war bixisay safarkeedii mareykanka

Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda  ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale.

Dad ku dhintay rasaas uu ku furay Askari ka tirsan Dowlada.

5 ruux ayaa lagu dilay nawaaxiga Dagmada Deynuunaay ee Gobalkaasi bay ka dib markii uu mid ka mid ah Ciidanka Dowlada uu u geystay fal barer ah.

Daawo sawiradda:Shirkii dib u Heshiisiinta Gobollada Jubbooyinka oo manta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia

Shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo inta badan ergooyinkii ka qaybgeli lahaa uu ku sugan yihiin Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha DFS “Fatahaadaha Webi Shabeelle waa Musiibo Qaran, oo ay tahay in lala tacaalo”

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay fatahaada webi Shabeele ee sida ba’an u saameeyay shacbiga magaalada Jawhar iyo nawaaxigeda.  

Waxaa maalintii labaad galay shirkii shabacka Jubooyinka leysugu keenaayay ee Muqdisho shalay ka furmay.

Waxaa maalintii labaad galay Shirka dib u hishiisiinta e Shacabka Jubooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Afar ruux lala xiriiriyay weerarkii Westgate ee magaalada Nairobi oo Maxkamad la soo taagay

Eedeysanayaashan ayaa loo heystaa inay ku lug lahaayeen weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate lagu qaaday bishii September, taasoo ay ku dhinteen in ka badan 60 ruux.

FOWZIYO YUUSUF: “Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanku waxay isku raaceen in la tageero Ciidamada Soomaaliya”

Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland oo xiligan soconaya

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiligan deegaan hoos taga Magaaladaasi uu kasocdo Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Maamulka Puntland.

Shirka Dib-U-Heshiisiinta Jubbooyinka Oo Laga Doodayo Qodobo Muhiim Ah

Shirka dib-u-heshiisiinta shacabka deegaannada Jubbooyinka  oo maalintii labaad Muqdisho ka socda ayaa looga dooday qodobo muhiim ah oo ay ugu horeyso sida nabadgalyo waarta looga dhallinkaro deegaannada Jubbooyinka iyo sida loo Qarameyn karo maleeshiyaadka ah ee duleedka Kismaayo ku sugan, maadaama heshiiskii Addis Ababa uu qodobadaasi ku jirtay.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS