5 entries

Articles Published on November 27, 2013

Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) oo digniintii ugu danbeysay u diray Xildhibaanada ka maqan Fadhiga Barlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa digniintii u dambeysay u diray Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo horay u jireen waqtiyo uu gudoonka u qabtay Xildhibaanada maqan inay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo ka qeybgalaya shir ka soconaya wadanka China.

Waxaa Magaalada Beijing ee Caasimadda wadanka China ka soconaya maalintii seddexaad shirka labaad ee iskaashiga wadamada carabta iyo China (China-Arab States Cooperation Forum "CASCF") , kaasoo ay ka qeybgalayaan 60 xubnood oo kala matalaya wadamada carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u fadhiyaan kulanka Wakiilo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga .

Ciidanka Dowlada oo sakay Howl-gal dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay B/weyne

Ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa howlgallo ay sameeyeen ku soo qab qabtay dhalinyaro looga shakiyay iney ku lug leeyihiin falalka amnidaro ah oo mararka qaar ka dhaca qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Roob wax yeelo u gestay dad iyo duunyo oo ka da,ay gobolka Jubbada hoose

Maamulka deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in xoolo gaaraya 10,000 oo Neef ay ku le’deen roobab ilaa iyo hada ka da’aya kulbiyoow iyo nawaaxigeeda, taasoo xaalad bini’aadanimo gelisay dadka halkaas ku nool.

Daawo sawirrada wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya Midowga Yurub waa Saaxiibka Soomaaliya”

Brussels, 27 November 2013 – Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineyso oo beryahan k sugnaa Brussels ayaa maanta soo gabogabeynaya shirka ay halkaas uga qeybgalayaan oo looga hadlayo Horumarinta Caalamka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS