6 entries

Articles Published on November 26, 2013

Abuu Muscab "Ujeedka aan ka laheyn weeraradii B/weyn wuxuu ahaa in Jabuutiyaanka banaanka u soo

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay ka wadaan Gobolka Hiiraan, isagoo xusay inay sugayeen in ciidamada oo ka soo baxa difaacyadooda.

Qaramada Midoobay oo gaashaanka ku dhufatay in la xiro Xeryaha qoxootiga Dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaali badan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan ogolaanayn in la xiro xeryaha ku yaalla dalka Kenya oo ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliyeed, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha Kenya uu dhawaan amar ku bixiyay in xeryaha qoxootiga la xiro.

Doowa sawirrada:Kulan looga tashanaayay aayaha G/Shabeelaha Hoose oo ka dhacay No 50

Kulan ballaaran oo looga hadlayay Nabada iyo aayaha bulshada ku nool Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu qabtay deegaanka NO: 50, halkaasoo dhowaan uu ka dhacay dagaal sababay qasaare naf iyo maalba leh.

Dhageyso:Muqdisho oo $270 kun ugu deeqday dhibbaneyaasha duufaanta iyo daadadka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay gacanta ku hayaan deeq dhan $270,822 oo lacagta Mareykanka ah, taas oo ay iska aruuriyeen shacabka Muqdisho, isla markaana loogu talagalay dadka daadadka iyo duufaanta Soomaaliya ku waxyeeloobay Olole  uu toddobaadkii hore ku dhowaaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ay ka qaybgaleen guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo shacabka magaalada ayaa deeqda lagu aruuriyay, iyadoo la qorshaynayo in la gaarsiiyo dadka ay duufaanta ku dhibaataysay deegaannada Puntland iyo dadka ku waxyeelloobay daadka fatahaadda wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Dhagwyso:Madaxweynaha iyo dalalka deeqaha bixiya oo ka wada hadlay arrinta is casilaadii Gudoomiyihii Bankiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Safiirada Deeq bixiyeyaasha caalamka oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay is casilaadii Gudoomiyihii Bankiga Dhexe iyo mooshinka Baarlamaanka hor-yaala ee ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha.
HALKAAN KA DHAGEYSO WASIIRKA MAALIYADA SOOMAALIYA

Baarlamaanka oo Soo Gabagabeeyay akhrinta Labaad ee hindise Sharciyeedka Bankiga Horumarinta Dalka

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayadoo goobjoogna ay ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla ayadoo fadhiga Baarlamaankana ay soo xaadireen 195Xildhibaan,bilowgiina waxaa la dhaariyey Laba Xildhibaan oo cusub.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS