6 entries

Articles Published on November 23, 2013

“Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta “Dib U howlgelinta Somali Airline Qorshaheeda Guul Weyn Ayaan Ka Gaarnay, Diyaaradaha Ugu Horeeyana Dhowaan dalka ayey soo gaarayaan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib safar shaqo dalka dibaddiisa uga maqnaa ayaa faah faahin ka bixiyey guullo uu kasoo hooyey shir uu uga qeybgalay dalka Switzerland oo looga hadlayey arrimaha Boostada iyo qorshaha dib loogu howlgelinayo Shirkadda Diyaaradaha Somali Airline kaasi oo mudooyinkanba ay Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda waday.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
halkaan ka dhageyso warka iyo barnaamijka

Dhageyso:Hiraan oo lagu wado dhawaan in ay yelato maamul ay dadka spo doortaan sida uu ka dhawaajiyay wasiirka arimaha Gudana ee xukuumada Soomaaliya

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Somaliya C/kiriin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayey oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay ka warbixiyeen halkay mareyso maamul usameynta gobolka Hiiraan.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Dhageyso Barnaamijka Arrimaha Bulshada

Dhageysatayaasheenna qaayaha lahow, barnaamijka arrimaha bulshada, waxa uu toddobaadkan idinkaga imaanayaa Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Barron, WI.
Dhageyso

Kulan ay hada leeyiii gudiga joogtada ah ee barlamaanka Soomaaliya oo uu shir gudoon ka yahay Gudoomiyaha Barlamanka oo fafiiskiisa ka socda

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo 15-ka Gudiyada joogtada ee baarlamaanka ayaa maanta isugu imaanaya, kaasoo ay kaga hadlayaan falanqeynta ajandaha baarlamaanka kaga doodayaan kulankooda ugu soo horeeya, iyagoo ku dhawaaqaya waqtiga ay isugu imaanayaan mudanayaasha.

Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS