7 entries

Articles Published on November 21, 2013

Dhageyso:Wasiirka Arimaha Gudaha oo si kulul uugu jawabay hadal ka soo yeeray maamulka Soomaaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Mas'uuliyiinta Somaliland oo ku aadan in dowladda Federaalka ay carqalad ku heyso nabadgelyada maamulka Somaliland.
HALKAAN KA DHAGEYSO SHIRKII WARIIRKA UU KAGA HADLAY ARINTAAS

Daawo sawirrada:Wadada xiriirisay Muqdisho iyo Jowhar oo isku badashay mid tahriib oo kale ah

Magaalada Jowhar ayaa wali ku jirta xaalad go'doon ah muddo ku dhow saddex bil, iyadoo bedelkii gaari loo raaci lahaa ay noqotay in doon loo raaco, sida magaalo jaziirad oo kale ah.

Xassan Shiikh oo sheegay in ay Dowlada saxiixeyso hishiis wax u taraya Caruurka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Iskuulka Xamar Jab-Jab oo uu sheegey in Soomaaliya ay saxiixi doonto Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta, iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta Caalamiga ah ee Xaquuqda Carruurta Adduunka oo aheyd 20kii November 1989kii markii Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Carruurta Adduunka. Soomaaliya, South Sudan iyo Mareykanka ayaan weli saxiixin heshiiskaas Caalamiga ah.

MADAXWEYNE GEELLE: “Al-shabaab Waxay ku Jirtaa Maalmihii Nolosheeda ugu dambeysay, Wayna dhiman doonaan”

 Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Al-shabaab ay marayaan maalmihii ugu dambbeysay ee noloshooda ayna dhawaan dhiman doonaan, waxaana uu hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay weerar askari Jabuutiyaan ah uu ku dhintay dhowr kelna ay kalena ay ku dhaawacmeen oo maalin ka hor ka dhacay magaalada Baladweyne.  

Mareykan ka oo Saldhigyo ay kula Dagaallamayaan Al-shabaab ka dhisaayo xadka ay wadaagaan Somalia, Jabuuti iyo Kenya

Dowladda Mareykanka ayaa wadda qorshe ay saldhigyo kaga dhisayso xuduudaha ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagalaamayso kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Gooddiyay In Dowladdu Ay Tallaabo Adag Ka Qaadi Doonto Argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ciribtiri doonto argagixisada anaajibta ah oo dhibaatooyinka ka wada dalka, isagoo markale shacabka reer Hiiraan iyo walaalaha Jabuuti uga tacsiyeeyay dadkii kaga geeriyoodey qaraxii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Mooshin ka dhan ah R/wasaare Saacid oo loo gudbiyay Gudoonka Barlamaanka Somaaliya

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo ah mid kalsooni kala noqosho ah. Warar ay goor soo baxay  ayaa sheegaya in mooshin ay ku saxiixan yihiin 168 Xildhibaan loo gudbiyay Gudoomiye kuxigeenka labaad ...
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS