8 entries

Articles Published on November 17, 2013

Maamulka degmada Wadajir oo noqday degmadii u horeysay ee dhaqaale ugu yaboohda Fatahaadaha

Maamulka degmada Wadajir ayaa noqday degmadii u horeysay ee dhaqaale ugu yabooha dadka dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha iyo colaadaha ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib kulan ka dhacay Xarunta degmada.

Maleeshiyaadka Shabaab oo tacadiya hor leh ku haya shacabka ku dhaqan meelaha ay wali ka taliyaan xili ay diideen in wax subac ah laga qaado Dugsiyada Qur,aanka

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sii xoojiyey cadaadiska ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada kooban ee ay ugu sugan yihiin gobolka Shabeellada Dhexe,  iyagoo si gaar ah u billaabay in ay joojiyaan Isticmaalka Taleefannada gacanta iyo sidoo kale akhrinta Qur’aanka Kariimka ah gaar ahaan Subaca.

Xulka Kubadda Cagta Itoobiya oo Galabta laga reebay koobka Adduunka iyo Xulka Dalka Nigeria oo u soo baxay

Xulka Qaranka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa galabta ka taqalusay xulka qaranka kubadda cagta ee dalka Itoobiya ciyaar xiisa badnayd oo labada dhinac dhexmartay,waxaana ay ahayd lugtii labaad oo labada xul ay wada ciyaaraan.

Waxaa mar kale dib u dhacay xiligii logu tala galay in la qabto doorashada Maamulka Hiiraan Sababa la xiriira khilaafka madaxda sare

Doorashadii Maamulka Gobolka Hiiraan ee lagu waday inay ka dhacdo magaalada Beledweyna ayaa waxaa saameyn ku yeeshay khilaafka soo dhex galay madaxda dowladda, iyadoo wafdigii dowladda ka socday ee isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ay u baaqdeen arrimaha khilaafka jira.

Kulan aysan ka soo bixin wax natiija ah oo ay yeesheen Saacid iyo Xasan Shiikh

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh iyo R.wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ay kulan gaar ah ku qaateen  xarunta madaxtooyada Soomaaliya si ay xal uga gaaraan khilaafka heerkii ugu sareeyay gaaray ee waayihii danbe soo if-baxaayay.

FOWSIYO YUUSUF: “Qurbo-joog badan ayaa dalkii dib ugu laabtay kuwaas oo howlo Ganacsiyo iyo howlo kale ka billaabay”

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku sugan dalka Kuwait ayaa waxay xalay iyada iyo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan waxay kulan la yeesheen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.  

Dagaalo u dhaxeeyo Ciidammo ka tirsan Dowladda Somalia oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxay dagaallo culus maanta ku dhexmareen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo lasoo sheegayo inay khasaare xooggan ka dhasheen dagaalladaas.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso warka sagalradio
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS