Shabaab oo shacabka ku dhaqan meelaha ay ka taliyaan u diiday in laga wato moobeelada casriga ah.

Maleeshiyaad ka Al-Shabaab ayaa waxa ay ka mamnuuceen meelaha ay gacanta ku hayaa taleefanad casriga ah sidaSmart phones.

Shabaab oo shacabka ku dhaqan meelaha ay ka taliyaan u diiday in laga wato moobeelada casriga ah.

Inta badan mobelada ay soo saarto shirkada moobeelada ee Samsung ayaa waxa ay yihiin kuwa gabi ahaanba laga joojiyay in laga qaat waxaana jira dad dhoor ah oo lagala wareegay markii ay tageen meelaha ay gacanta ku hayaan Shabaab.

Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin moobeladaas kuwa wax lagu basaaso inta badana ay adeegsadaan waxa ay ku tilmaameen cadawga ilaahey.

Dadka qaar oo ku sugan meelaha ay ka taliyaan shabaab ayaa waxa ay sheegeen in laga qaaday tira moobela ah kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay wax ku basaaseen balse ay beeniyeen dadka lagu eedeeyay falkaasi.

Shabaab mudooyinkii ugu danbeeyay waxa la soo diristay cabsi dhabka amaanka ah ka gadaal markii tiro ka mid ah hor joogayaal lagu dilay Duqeymo dhor ah oo ka dhacay koonfurta Somaaliya.

Sagal Radio

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  shabaab

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS