Waxaa dib u dhac uu ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay Dowlada dhaxe iyo maamulka Soomaaland ee Istan buul

Waxaa dib u dhac muddo bil ah uu ku yimid wajiga labaad ee wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee ay garwadeenka ka aheyd dowladda Turkiga, iyadoo lagu waday in 8-bishan uu qabsoomo.

Waxaa dib u dhac uu ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay Dowlada dhaxe iyo maamulka Soomaaland ee Istan buul

Sida uu dhigayay wajigii hore ee wada hadalka labada dhinac iyo heshiiskii ay saxiixeen ayaa ahaa in muddo 120-maalmood la isugu yimaado waji labaad oo wada hadalo labada dhinac ku yeelanayaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsatay in wada hadaladaas dib loogu dhigo bisha December ee soo socota.

"Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho ayaa nala soo xiriiray oo noo sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in dib loo dhigo shirka, waxay mashquulsan yihiin arrimaha Jubooyinka"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in wada hadalada ay dhici doonaan todobaadka ugu soo horeeya ee bisha December ee dhamaadka sanadkan.

Mar la weydiiyay muranka ku saabsan Maamulka Hawada Soomaaliya ayuu sheegayin arrintaas wali howsheeda socoto, isla markaana warqad u direen Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayna ka sugayaan jawaab.

"Wada hadalada waa socdaan warqad baan u qornay C/kariin Wasiirka Daaqiliga ah, jawaab baan ka sugeynaa, qolada UN-kana waa kala hadalnay, si deg deg ayaa loo sameynayaa gudi farsamo howshaas waa socotaa"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa dhowaan ka soo horjeestay in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, kadib markii muddo 22-sano kadib lagu soo wareejiyay dowladda maamulkii hawada.


Sagal Radio

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dhac dib hadaladii iyo ku somalia Somaliland u wada yimid

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS