Ajaanib ukala dhalatay Kenya iyo Ghana oo lagu qabtay Degmada Beladxaawo

Wararka ka imaanaya Degmada Beladxaawo ee Gobalka gedo ayaa sheegaya in maamulka Degmada uu sheegay inay gacanta ku dhigeen rag Ajaanib ah oo Magaalada ku sugnaa.

Ajaanib ukala dhalatay Kenya iyo Ghana oo lagu qabtay Degmada Beladxaawo

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Beled Xaawo Caddow Nuur Xasan ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada ay ku soo qabteen tiro Kenyan ah iyo nin Ghana u dhashay.

Caddow Nuur ayaa xusay in dadka Kenyanka ah ee ay qabteen ay ku wareejiyeen dowladda Kenya, in kastoo uusan sheegin tirada rasmiga ah ee ay wareejiyeen.

Nin u dhashay dalka Ghana ayuu sheegay inay ku hayaan xabsiga, isla markaana ay baaritaan ku sameynayaan.

Caddow ayaa carabaabay inay wadaan howlgallo lagu sugayo ammaanka, xilli degmada ay ku suganyihiin wafdi ka socda dowladda federaalka ah oo xalinaya khilaaf la sheegay inuu u dhexeeya maamullada Beledxaawo iyo Doolow.

Beladxaawo ayaa xuduu la leh dalka Kenya waana Magaalo muhiim ah oo isku xirta isu socodka Kenya iyo Gudaha dalka Soomaaliya.

Sagal radio

Section  Somali
Category   Local News
Tag  baladxaawo

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS