Madaxweeynaha Soomaaliya iyo wafdigiisi ayaa shalay gilinkii danbe bid ugu so laabtay caasimada Soomaaliya ee muqdisho.
Xassan Shiikh iyo xubna ka mid ah golaha wasiirada Dowlada iyo barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay safar qaatay labo cisho waxa ay ku joogeen Magaalada kismaayo ee xarunta maanulka Juba.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo waxa uu kulama kula qaatay maamulka uu hogaamiya hogaamiyaha Juba ee Axmed Madoobe kulamadaasi oo intooda badan la,isu keenaayo Dowlada dhaxe iyo maamulka Juba oo mudooyinkii danbe ay khilaafyo soo kala dhaxgalayeen.
Maamulka Juba ee Axmed Madoobe u arimiyo ayaa soo dhaweeyay safarka maxadweynaha uu ku tagay Kismaayo waxa uuna sheegay in ay dhamaatay khilaafyadii Dowlada iyo maamulkiisa hada wixii ka danbeeyana aysan soo laaban doonin sida uu ku waray Axmed Madoobe.
Waa markii ugu horeysay ee uu safar ku tago madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii loo doortay Xilka madaxtinimo ee Soomaaliya waxaana ka dhacay deegaanada Juba dibad baxyo lagu soo dhaweynaayo imaatinka madaxweynaha Soomaaliya.
Sagal Radio
Comments