Maamulka Juba iyo Dowlada oo ku hishiiyay in aysan soo laaban khilaafyada labada dhinac
Kulan saacado qaatay oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe oo uu wehlinaayay Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Gen Fartaag iyo Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin kale.
Ugu horeyntii madaxweynaha maamulka jubba ayaa waxa uu warbixin dheeraad ah kasiiyay madaxweynaha jamhuuriyadda qaabka ay ushaqeeyaan iyo dhismaha dhawaan ladoonaayo in lagu sameeyo golaga wasiiradda iyo baarlamaanka jubba.
Axmed madoobe, ayaa sidoo kale madaxweynaha kala hadlay in dhaqaalo dari ay la tiiceyso jubba loona baahan yahay in dowladda ay muujiso kaalinta kaga aadan maamulka jubba, sidoo kalane waxa uu axmed madoobe madaxweynaha u sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro waxa loogu yeeray khilaaf isla markaana wax waliba ay ku dhameeyaan wada hadal.
Dhanka kale, Madaxweynaha jamhuuriyadda Md. Xassan sheikh maxamuud, ayaa dhankiisa sheegay in maamulka jubba uu yahay maamul kaalin xoogan ku dhex leh maamulada dalka ka jiro loona ogol yahay in lasiiyo ahmiyad gaar ah si meesha looga saaro wax waliba ee keeni kara khilaaf, isagoona haddalkiisa kusii daray in dowladiisu diyaarineyso dhaqaale iyo siyaasad cusub oo la doonaayo in laga hirgaliyo jubba.
Xassan sheikh madaxweynaha Somalia ayaa ku nuux-nuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay in maamuladda Somalia ay ku daydaan maamulka jubba, wuxuuna farta ku goday puntland oo uu ku tilmaamay inuu horsed u yahay maamulada khilaafa dowladda.
Ugu dambeyntii madaxweynaha jamhuuriyadda iyo axmed madoobe, ayaa isla gartay in laga gudbo wax waliba ee keeni kara Khilaaf iyo kala irdhoobid waxa ayna sidoo kale qalinkaku duugeen in shaqaaq waliba lagu xaliyo wada-hadal dibna aysan u dhicin in leyska caayo warbaahinta.
Sagal Radio
Comments