Kenya oo sheegatay inay saldhig Shabab duqeeeyeen iyo Al-Shabab oo beeniyay

Saraakiil u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradaha Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya ay ku bur buriyeen  xero ay Xarakadda Al-Shabab ku tababari jireen dagaalamayaashooda.

Kenya oo sheegatay inay saldhig Shabab duqeeeyeen iyo Al-Shabab oo beeniyay

Afhayeenka  military,ga Kenya (Col) Cyrus Oguna oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka shalay galinkii dambe ay dhulka la samiyeen sida uu yiri xero ay Al-Shabab ku lahaayeen degaan la yiraahdo Hurguun oo hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaana uu intaa ku daray afhayeenku in xeradaas lagu tababaray kooxdii bishii September weerartay  suuqa Westgate ee magaalada Nairobi.

“Waxaan idiin cadaynayaa inaan duqeyn ku bur burinay xerro tabarada ay Shababku adeegsan jireen halkaasoo xataa aanu ognahay in kooxdii Nairobi weerartay ay ku tababarteen” ayuu yiri  Cyrus Oguna

Sargaalkaan waxaa uu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in qiyaastii 300 oo ka tirsan ciidamada Al-Shabab oo xeradaas ku sugnaa ay ku waxyeeloobeen duqeyntaas sida uu yiri.

Cyrus Oguna waxaa uu xusay in xeradaan ay muddo dhaq dhaqaaqeeda la socdeen waxaana uu intaa kusii daray in weerarkaan uu qeyb ka yahay howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan ciidamada midawga Africa ee AMISOM la yiraahdo.

Dhanka kale sargaalkaal ay wakaaladda wararka Reuters ku tilmaantay inuu ka tirsan qeybta warfaafinta Al-Shabab oo aan magaciisa la shaacin ayaa been abuur ku tilmaamay sheegashada dawada Kenya.

“Ma jirto wax duqeyn ah oo ka dhacday koofurta Soomaaliya laakiin ciidamadeena ayaaba weeraray degmada Badhadhaade” ayuu yiri sargaalkaas Al-Shabab u hadlay.

Diyaaradaha dagaalka Kenya dhawr jeer ayay Soomaaliya ka geysteen duqeymo khasaaro geystay dhawaana duqeyn la sheegay in dawlada Kenya wax ogeyd oo diyaaradaha meelaha fog fog laga hago ka geysteen meel u

Sagal Radio

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Kenya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS