Dowladda Japan oo Maanta Jaakadaha La Isaga Difaaco Xabadda Guddoonsiiyay Booliska Soomaaliya
Qalabkan ay maanta dowlada Japan guddoonsiiyey ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa ahaa mid loogu tala galay in la isaga difaaco wax yeelada xabadaha xiliyada uu ciidanku booliska sameynayo howlgalada amniga lagu sugayo.
Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Jenaraal C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) ayaa sheegay in qalabkan la guddoonsiiyay ciidanka booliska soomaaliyeed uu dhanyahay kun xabo oo ah jaakadaha la isaga difaaco xabadda,waxana uu dowlada Japan uga mahadceliyay deeqdan isagoo sheegay in aysan markii u horeeysay oo deeq soo gaarsiiso booliska soomaaliyeed,mar kastana ay garab taagantahay dowlada Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka booliska Jenaraal C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) ayaa maanta warbaahinta ku tusiyay xarunta OTO-OTO nambaradii 888 oo la hir galiyay si loo gargaro shacabka soomaaliyeed waqti kasta oo ay u baahdaan,waxana taliyuhu sheegay in waqti badan lagu bixiyay sidii dib loogu howl galin lahaa nambaradaasi
Taliyaha ayaa sheegay in nambaradaasi ay dadweynaha soo wici karaan 24ka saac si ay booliska ugu soo war galiyaan cid kasta oo ammaanka liddi ku ah.
Hir galinta nambarada 888 ayaa wax weyn ka badali doonto xaalada ammaanka ee gobolka Banaadir,waxana ay shacabka u fududeeyneeysay in ay si sahlan ula soo xiriiraan booliska marka ay arkaan qof ammaanka wax u dhimaya.
Xigasho:raadiomuqdisho
Comments