Jan Eliasson oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyo, lana taageero Ciidamada Soomaaliya

Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo xalay ka hadlay kulan ay lahaayeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay loogana hadlayay kordhinta ciidamada AMISOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya ayaa ku baaqay in tirada AMISOM si dhaqso ah loo kordhiyo.

Jan Eliasson oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyo, lana taageero Ciidamada Soomaaliya

Eliasson ayaa sheegay in taliyaha ciidamada AMISOM uu sheegay in haddii aan la kordhin ciidamada AMISOM, lana qalabeyn kuwa dowladda Somalia uu dagaalka lagula jiro Al-shabaab daba-dheeraan doono.

“Taliyaha AMISOM wuxuu ii sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda aysan awood u lahayn inay weeraraan goobaha ay Al-shabaab ku sugan tahay, haddii aan si dhaqso ah loo taageerinna uu dagaalka Al-shabaab lagula jiro qaadan karo tobannaan sano,” ayuu yiri Eliasson.

Sidoo kale, Eliasson wuxuu sheegay in Al-shabaab ay hadda waddo inay qorato ciidammo cusub ayna shaqaaleynayso dhallinyaro Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kooxdan ay isku diyaarinayso weerarro ay qaaddo.

“Haddii aan laga hortegin abaabulka ah waddo Al-shabaab waxaa la arki karaa inay dib ugu soo laabtaan goobihii laga saaray, waayo hadda waxay awoodaan inay weerarro ka geystaan Muqdisho, Kismaayo iyo meelo kale oo dalka ka tisran,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Jan Eliasson ayaa toddobaadkan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, wuxuuna sheegay in isbedel weyn uu kusoo arkay dalka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay yeesheen kulan ay uga hadleen sidii lagu taageeri lahaa ciidamada Soomaaliya loona kordhin lahaa kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, inkastoo aysan weli wax war ah ka soo saarin kulankooda.

Xigasho:Hiiraan

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Amisom in kordhinaayo la oo QM sheegtay

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS