Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Arrimaha dibada Holland (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ee dalka Holland oo ay la socdeen Shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Arrimaha dibada Holland (Sawirro)

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasiiradda Holland booqashadeeda ay ku timid dalka Soomaaliya oo ah calaamad xoogan oo tuseysa horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradda ka dib, ayaa waxey si wadajir ah ula wada hadleen saxaafadda.

"Booqashadaadu waxey ka mid tahay wafdiyo caalami ah oo beryahan soo booqanyey Soomaaliya, aad iyo aad baana ugu faraxsanahay inaan Wasiiradda maanta ku soo dhoweeyo dalka, oo na tuseysa horumarka ammaanka ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay beesha caalamku u aqoonsanyihiin Soomaaliya"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Holland, isla markaana ay dalka Holland ku nool yihiin Soomaaliya badan 

“Xiriir qoto dheer baa labadeena dal ka dhaxeeya, oo weliba Holland ay degen yihiin Soomali badan, waxaan dowladda Holland uga mahadcelinayaa dadaalkooda iyo is-garab istaaga ay nala garab joogaan inay na saacidaan, Qorshaha New Deal-ka iyo dokumentigii loogu magac daray Compact-ka ayaa noo ah bilow fiican oo tusineysa xiriirka caalamka iyo Soomaaliya"ayuu yiri Madaxweynaha

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shegay in Dokumentiga Compact-ka uu yahay mid Soomaali sameysatay oo qeexaya baahida dib u dhiska dalka ee muddada 3-da sano ee soo socota.

"Waxaana ka rajeyneynaa dowladda Holland inay qorshahaas nala garab istaago si aan ugu guuleysano in dalkan dib loo dhiso dhammaan hay’adihii dowliga isla markaana bulshada Soomaaliyeed la wada gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

"Maalgashi caalami ah iyo xiriir caalami ah ayaa Soomaaliya dib ugu soo noqday, waana inaan fursadahaas aan ka faa’iideysanaa oo aan caalamka tusinaaa in Soomaaliya ay nabad tahay oo la maalgeshan karo, si dhalinyaradeena ay u helaan fursado shaqo oo muhiim u ah horumarka dalka"

In Dowladda Holland ay shirkadaheeda caalamiga ah ay yimaadaan Soomaaliya waxey caddeyn u tahay horumarka ballaaran ee sanadkii la soo dhaafay laga gaaray dhinacyo badan, oo tuseysa in caalamku diyaar u yahay inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya. Dowladdu waxey waddaa shuruucdii maalgashiga oo baarlamaanka horyaalla oo tusaya in ganacsida iyo maalgashiga Soomaaliya ay yihiin kuwa sharciyeysan oo keeni kara in dhaqaalaha dalka uu kordho. “ Ayuu madaxweynahu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa.

Wasiirada Arrimaha dibada Holland ayaa sheegtay in shirkadaheeda maalgashiga ay imaan doonan Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya u balan qaaday inay ka taageeri doonaan dhinacyada dib u dhiska dalka.

- DHAMAAD -








Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS