9 entries

Articles Published on October 28, 2013

Ururka weriyaasha Puntland oo ka tacsiyadeeyey geeridii weriye Tima-cadde

Ururka Weriyaasha  Puntland(MAP)oo shalay kulan  ku yeeshay  magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa si weyn u cambaareeyay dilkii loo geystay Allah ha u naxariistee weriye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde, oo shalay lagu aasay magaalada muqdishu.

QM oo dadaal ugu jira sidii lagu kordhin lahaa ciidamada AMISOM loona dhisi lahaa kuwa Somalia

Ban Ki-Moon Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dadaal xooggan ugu jiray in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Dowladda Soomaaliya oo lagu dhaliilay in ay siisay Axmed Madoobe tirade ugu badan ee ka qeebgaleyso shirka dib u hishiisiinta ee Muqdisho ka dhacaya dhawaan.

Iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socoto qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo Gedo oo lagu wado in 2-November uu dhaco ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo dowladda Soomaaliya oo ku aadan habka ay u wado abaabulka shirka.

Soomaalida ku nool Magaalada Boston oo markii ugu horeysay si wadajir ah u Taageeray Musharraxa duqa Boston

Xaflad ay soo abaabuleen Soomaalida ku dhaqan magalada Boston ee gobalka Massachusetts USA oo ay ku muujinayeen taageerida musharaxa duqa magaalada Boston John Connolly ayaa ka dhacday  habeenimadii Axada oo tariikhdu ku adaneeyd  Oktoobar 27keedii magaalada Boston.

Wasiirka Warfaafinta oo u qabtay Warbaahinta in 10-ka November isku soo diiwaan geliyaan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa u qabtay Warbaahinta kala duwan ee dalka in ugu dambeyn 10-ka November ay isku soo diiwaan geliyaan, isla markaana ay qaataan shatigooda aqoonsi.

H.E. Fawzia Yusuf oo ka qeybgaleysa Shirka Golaha ammaanka ee looga hadlayo kordhinta ciidanka AMISOM iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.‏

Ra'iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta ka ambabaxday Caasimadda Muqdisho , iyadoo ku sii jeeda Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , si ay uga qeyb gasho shir dhamaadka bishan October u furmi doona Xubnaha golaha ammaanka, kaasoo looga arinsan doono kordhinta ciidanka AMISOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, si ay u helaan taageero maaliyadeed iyo mid milatari oo la mid ah kaalmada loogu yabooho ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya ( AMISOM).

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Arrimaha dibada Holland (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ee dalka Holland oo ay la socdeen Shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan.

Daawo sawirrada:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo daah furay shir looga hadlayo horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaalia

Muqdisho, 28 Oct, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta daah furayey shir looga hadlayey horumarinta, iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya, shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo looga hadlo dhaqan galinta Higsaga Cusub, Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday xafiiska Madaxweynaha, Baarlamaanka, Wasiiro, Xubno ka socda Bulshada Caalamka, Bulshada Rayidka ah iyo xubno kale oo ka socday gobolada dalka.

Prime Minister thanks Dutch Foreign Trade and Development Cooperation Minister for continued support

His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon today met with Dutch Minister for Foreign Trade and Development Cooperation, Lilianne Ploumen, and Ambassador, Joost Reintjes, at Villa Somalia.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS