7 entries

Articles Published on October 26, 2013

Madaxweynaha oo Qaabilay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika:-(War-saxaafadeed)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika isla markaana kula dar-daarmay in Ciidamada Soomaaliya loo helo tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
audio

Fiqi waa in la tageero Ciidanka Dowlada Si meesha looga saaro Shabaab

Wasaarada Difaaca ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladaha aduunka in Soomaaliya ay ka taageeraan sidii kooxda Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaanba gobolka geeska Africa,  ayadoo sheegtay in ciidamadu ay ku guulaysteen ka hortaga qatarta kooxaha argagixisada.

Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna oo dagaal ku dhex maray degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna uu ka dhacay degmadaas, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay xiisad ka jirtay.

JEN. GAAFOOW: “Ciddii lagu helo iyadoo wadata Baasaboorka Cagaaran Waxaa loo arkayaa inuu la shaqeeyo Al-shabaab”

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuuda ayaa sheegay in ciddii lagu helo isagoo wata baasabaoorka cagaaran ee Soomaaliga oo ah midkii hore loo aqonsan doono inuu yahay qof la shaqeeya Al-shabaab iyo kooxo kale oo argagaxiso ah.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho”

 Mudane Jan Eliasson Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa barqanimadii maanta booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho,  iyado garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cabdulle si diirran ay ugu soo dhaweeyeen R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Fowsiya Yusuf Xaaji Aden, Wasiirka Gaashaandhigga C/Xakiim Maxamuud Xaaji Faqi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda uu kamid yahay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda, Taliyaha Boliiska, Taliye ku xigeenka Nabad sugidda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka amaanka ee Magaalada Muqdisho oo manta xiray Idaacadii shabeele iyo shaqaalaheedii

Idaacadii shabeela ayaa gabi ahaaba waxa ay ka maqan tahay hawada ka dib marki ay manta gudaha u galeen ciidama ay ku soo amartay wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya in ay xiraan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS