7 entries

Articles Published on October 24, 2013

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeeb qaadaneyso dhismaha Ciidamka Soomaaliya

Abaanduulaha ciidanka ururka ay ku mideysan yihiin Mareykanka iyo Afrika ee AFRICOM, Jeneral David  Rodrigues iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Lind Thomas-Greenfield oo si wadajir ah shirjaraa.id ugu qabtay online maqal iyo muuqaal ah ayaa sheegay in Mareykanka uu waddo qorshayaal uu dowladda Soomaaliya uga caawin doono sidii loo tayeyn lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Maamulka Dagmada wada Jir oo booqday wariye Maxamed Maxamuud Tima cade

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa galabta Isbitaalka Madiina ku booqday dhaawaca Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo shalay lagu dhaawacay degmada uu madaxda ka yahay.

Al shabaab oo la sheegay inay sirdoonkooda ku xoogan yihiin magaalada Gaarisa

War bixino ay soo saareen sirdoonka Kenya ayaa waxa ay walaac ku abuurtay shacabka iyo masuuliyinta magaalada Garisa ee gobolka waqooyi bari Kenya mida oo ku aadan in dhaq dhaqaqa Al-shabab ay ku bahayaan gobolkaasi.

Gana oo beenisay in ciidamo boolis ah ay kusoo biirinayso howgalka AMISOM.

Cephas Arthu agaasimaha booliska guud ee wadanka Ghana ayaa sheegay in ay beeninayaan in dowlada Ghana ay qorshenayso in 90-askari oo ku wa booliska wadankasi ay kusoo biirinayaan howgalka nabad dhalinta ah ee laga wado Somalia ee AMISOM.

Dagaal ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa maanta barqadii ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde, halkaasoo ay fariisimo ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya oo wax laga naxo ku tilmaamay muuqaalkii ciidamada Kenya ee xadayay Westgate

 Raila Odinga oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ku noqotay Kenyaanka markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya ciidamada oo alaab ka xadaya xaruntii ganacsiga ee Westgate markii uu socday hawlgalkii lagula dagaallamayay kooxihii goobtaasi weeraray. 

Xoghayaha Guud Ee Q.M. Codsaday In Taageero Dheeraad Ah La Siiyo Dowlada Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa ka codsaday beesha caalamka in taageero dheeraad ah la siiyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya si looga fogaado khatarta kooxaha Shabaab Alqaa’ida.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS