6 entries

Articles Published on October 19, 2013

wararkii ugu danbeeyay Faafaahina ka soo baxaayo QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY BELADWEYNE

waxaa isasoo taraayo wararka ka imaanaayo Magaalada B/weeyne ee xarunta Gobalka Hiiraan oo maanta ka dhacay Qarax dhimasha iyo dhasawac sababay kaasi oo loo adeegsaday gaari walxa qarxa laga soo buuxiyay.

Soomaalida ku dhaqan dalkaasi uganda iyo Dowlada oo ka wada hadlay xaalada amni ee dalkaasi.

Jaalliyadda Soomaalida ah ee ku nool dalka Uganda iyo saraakiisha ammaanka ee dalkaas ayaa maanta magaalada Kampala ku yeeshay kulan looga hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa sugidda ammaanka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Qaraxii Baladweyne waa mid lagu diiddan yahay horumarka uu dalku ku Tallaabsaday”

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay mid lagu diidan yahay horumarka lagu tallaabsaday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Beledweyne

Muqdisho, October 19, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab fara badan oo aan waxba galabsan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka Tacsiyadeeyey Qaraxii Beledweyn

Muqdisho—19-October—-2013—-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii shacabka ahaa ee maanta sida xaq darada ah loogu dilay qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho...
audio
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS