7 entries

Articles Published on October 13, 2013

R/wasaare Saacid Oo Kulan Looga Hadlayay Ammaanka La Qaatay laamaha kala duwan ee Dowlada ee ku shaqada leh amaanka.

Kulanka ayaa waxa uu haa mid aad u balaaran waxaana diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka caasimada soomaaliya waxaana inta badan joogay hay,adaha ku shaqada leh sida Booliska iyo nabad sugida iyo maamulka Gobalka Banaadie iyo saraakiil Ciidan oo dhamaan kulanka looga yeeray waxaana kulanka shir gudoominaayay R/wasaare Saacid.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO BEENISAY INUU KHILAAF KALA DHAXEEYO MAAMULKA JUBBA

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar la isla dhexmaraye oo ku aadan in maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dhextaagan yahay khilaaf.

Madaxweyne Xasan oo la kulmay raysul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah xalay magaalada Addis Ababa kula yeeshay raysul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Radio Sagal

Dhageyso Warka Axadnimo ee Radio Sagal

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay duulaan ku yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku jirto degmada Buulo Burde oo Al-Shabaab ay maamulaan.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cali ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen qorshihii lagu weerari lahaa deegaanada ay Gobolka kaga sugan yihiin Al-Shabaab. 

Qoysas badan oo ku noolaa Magaalada Muqdisho oo bilaabay in ay u barakacaan Duleedka Magaalada Muqdisho.

Magaalada muqisho ayaa waxaa mar kale ka bilowday bara kac ku aadan dadkii horey ugu soo laabtay deegaanada deleedka ka ah Caaimada soomaaliya ee muqdisho kagadaal markiiCiidama ka mid ah kuwa dowlada soomaaliya ay musooyinka wadeen duminta meelaha sida sharci darada ay dadkaasiku dageen.

Wasiirka Warfaafinta oo baarlamaanka uga warbixiyay heshiis ay Xukuumadu la gashay Shirkadda Maamusha Garoonka.

Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta hortagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isagoo uga warbixiyay heshiiskii ay xukuumaddu la gashay shirkadda FAVOR LLC oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS