7 entries

Articles Published on October 7, 2013

Daawo: Abshir Axmed Cismaan & Arday kale oo soo bandhigey buugaagtii ay ka qoreen qalan-jabinta Jaamacadda

Jaamacadda Indian Ocian (IOU) ee magaalada Muqdisho, ayaa Khamiistii 3-da bishan October 2013 qabatay munaasabad ay ku soo bandhigayeen arday dhameystay heerka waxbarasho ee Bachelor ee culuumta la xiriirta ganacsiga.

Dagaal aad u xoogan una dhaxeeyo Ciidanka Dowlada iyo Shabaab oo manta ka dhacay Bay iyo Bakool

Waxaa Maanta Deegaano hoostaga Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ka dhacay Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo Madaxtooyada kula kulmay Saraakiisha ciidamada Milateriga

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay Saraakiisha ciidamada xooga dalka, iyadoo kulankan ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga iyo Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka.

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba oo Shaaciyay Maanta in uusan ka Qayb-geli doonin shirka ka dhacaya Muqdisho

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada ee Kismaayo ayaa uga warbixiyay arimo badan oo ay kamid yihiin safarro uu kusoo maray dalal kala duwan, shirka la filayo in uu ka dhaco Muqdisho iyo weliba wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

Baarlamaanka Soomaaliya dib u celiyay hindise sharciyeed ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u celiyay maanta hidise sharciyeed ku saabsan horumarinta bangiga dhexe ee Soomaaliya oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Somaliland oo Albaabbada isugu dhuftay Xafiis lagu bixin jiray Baasaboorka Soomaaliga oo ku yaallay Magaalada Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay albaabbada isugu dhufteen xafiis lagu bixin jiray baasaboorka Soomaaliga ee E-Passport-ka loo yaqaan, iyagoo sheegay inay maxakamad soo taagayaan shaqsiyaadkii ku lugta lahaa howshan.

Shir looga hadlayo sahminta iyo baarista shidaalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada

Shir looga hadlayo sahminta iyo baarista shidaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo shirkan uu soconayo muddo saddex cisho ah, isla markaana ay ka qeyb galayaan wasiiro ka tirsan Xukuumada.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS