Ciidamo ajnebi ah oo weeraray saakay Dagmada Baraawe iyo shabaab oo ka hadashay
Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan Weerar ay geysteen ciidamo ajnebi ah oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan, ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Sida ay ku waramayaan Dadka reer baraawe waxa ay sheegay in ciidamada duulaanka soo qaaday ay magaalada kasoo weerareen dhinaca badda iyaga oo watey doomaha dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Waxaa sida ay sheegayaan shacabka magaalada Baraawe ee Gobalka Sh/Hoose in Ciidanka weerarka soo qaaday ay Bar-tilmaameedsanayeen guri ku yaal meel u dhow xeebta, kaas oo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ku jirtey, haseyeeshee wararka Baraawe laga helayo ayaa sheegaya in ciidamadii weerarka soo qaaday ay iska caabin xooggan la kulmeen.
Iyada oo aan wali wax faafaahin ah laga heyn sababaha weerarka ka danbeysay ayaa hada waxaa jira in weerarka ay ka qeeb qaadanayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter waxaana laga maqlaayay Diryanka hubka ay labada dhinac isweydaarsanayeen, gaar ahaan gantaalo ay ridayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qaar kale oo dhinaca badda kasoo dhacayey ayaa laga maqlayey Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday goob ay ku sugnayeen Ciidankooda waxa uuna sheegay in laga dilay hal Askari waxa uuna sheegay in ay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Ciidamada Ajnabiga ahaa ee saakay weeraray Baraawe.
Sagal Radio
Comments