Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay afgambiga ay ciidamada Milatariga Masar ku sameeyeen madaxweyne Maxamed Mursi oo shacabka Masaarida ay si xor ah u doorteen sanad kahor.
Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhawacmeen degaanka Nyanya oo ka tirsan magaalada Kitui ee gobolka waqooiya ee dalka Kenya, kadib markii ay halkaasi weerareen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin.