89 entries

Articles Published in July, 2013

Ciidamada Kenya oo iska fogeeyay inay ka qeyb qaateen dagalada Kismaayo

Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay inay ka qeyb qaadatay dagaaladii ka dhacay Kismaayo, iyadoo beenisay inay xirtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Jubooyinka.

Munaasabadda 1-da Luulyo oo laga xusay dalka iyo madaxda ugu sareysa dalka oo kasoo qeyb galay

Munasabadda Kowada Luulyo ayaa si weyn looga xusay gudaha iyo dibadda dalka, iyadoona madaxda dowlada Federaalka ay goob joog ka ahaayeen xuska kowda Luulyo oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dalka Kenya oo lagu qabtay munaasabadda 1da Luulyo

Inta badan magaalooyinka dalka Kenya oo ay Soomaalida ku nool yihiin ayaa si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo iyadoo ay munaasabadii ugu weyneyd ka dhacday magaalada Nairobi.

Wasiirka arimaha gudaha oo markii ugu horeysay ka hadlay qabashada Xasan Daahir

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay xaalada Sheekh Xasan Dahir Aweys, isagoo xaqiijiyay in gacanta dowladda uu ku jiro, isla markaana uu nabad qabo.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay danjiraha Britain ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga danjirenimo kala guddoomay danjiraha cusub ee Britain ay u soo magacowday Soomaaliya, Neil Wigan.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay eedeyn kaga timid Qaramada Midoobe

Guddoomiyaha bankiga dhexe, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa iska fogeeyay warbixinta ku saabsan in 80% lacagaha kusoo xarooday bankiga dhexe ee Soomaaliya ay la baxeen shaqsiyaad gaar ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Xildhibaanno katirsan dowlada Soomaaliya oo Kenya ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo

Mudnayaasha baarlamaanka federaalka Soomaliya ee kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa booqday dhaawacyadii  ciidamada dowlada  Soomaaliya iyo  dad rayid ah oo kusoo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose kuwaasoo lasoo dhigay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho. 

Madaxweyne Xasan Sh oo lakulmay odayaasha beesha uu kasoo jeedo Xasan Daahir Aweys

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kula kulmay waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda beesha H/gidir, isagoo kala hadlay arrinta Xasan Dahir Aweys oo gacanta dowladda ku jiro.

Ra'iisul Wasaare Saacid oo sheegay qorshe lagu sugayo amaanka dalka kana hadlay arrinta Xasan Daahir

Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid") Ra'iisul wasaaraha Soomaliya oo kulan la qaatay maanta laamaha amaanka dalka ayaa ka hadlay qorsho cusub oo xukuumadda u diyaarisay sugidda amniga, isagoona ka hadlay arrinta Xasan Daahir Aweys

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Kenya u dirtay warqad ay kaga cabanayso Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo

Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Somalia u diray dowladda dalka Kenya, iyadoo wali Kenya laga sugayo jawaabteeda ku aadan waraaqdan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS