98 entries

Articles Published in June, 2013

Danjire Mahiga :Dowladda Soomaaliya caqabado badan, ayaa hor yaalla

Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya ee xafiiska dhawaan ka tagaya Agustine Mahiga, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliy ay horyaallaan caqabado badan, oo ay ka mid tahay abuuritaanka ciidamo awood u yeesha la dagaalka al-Shabaab, si dalka nabad iyo xasillooni loogu soo celiyo.

Cabdikaafi Hilowle "85% Hantdii lakala heystay waannu kala celinnay"

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in 85% hantidii iyo guriyihii lakala heystay ay dib ugu celiyeen dadkii lahaa, kadib markii sidaasi ay ku amartay dowladda dhexe.

Shirka horrumarinta Afrika ee Jabbaan oo furmay

Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Yokahama ee waddanka Japan Shirka Tokyo ee Horumarinta Africa.

Dhageyso Warka Sagal Radio Iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadkii Tagay Ee Soomaaliya

Dhageystayaasheenna qiimeynta mudan, warka idaacadda Sagal waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya xarrunta Radio Sagal ee magaalada Nayroobi.
War

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabbaan kula kulmay xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Yokohama xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, iyagoo kawada hadlay xafiiska cusub ee ay Qaramada ay ka furayso Muqdisho, ergayga cusub Nicholas Kay oo imaan doona Muqdisho, arrimaha ammaanka iyo sidii Qaramada Midoobay ay qayb uga qaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya.

Ciidamo ammaanka la suga Booliska oo Baydhabo loo sameeyay

Ciidammo madaniga oo la shaqeeya kuwa booliiska ayaa loo sameeyay xaafadaha magaalada Baydhabo, kuwaasoo la wareegay sugidda ammaanka degmada Baydhabo oo bilihii ugu dambeeyay ahayd mid kacsan.

Baarlamaanka oo la hor geeyay sharciga shaqada arrimaha dibbadda

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Jamaal Maxamed Barrow ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka hor akhriyay sharciga shaqada arrimaha dibadda, kaasoo wasaaraddu ay diyaarisay.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Sagal Radio

Dhageystayaasheenna qiimeynta mudan, warka idaacadda Sagal waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya xarrunta Radio Sagal ee magaalada Nayroobi.
War

Ciidamo wada jir ah oo howl-gal amniga lagu sugayo Muqdisho ka sameeyay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo  xooggan kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyagoo xayiran dhammaan waddooyinka gala degmadaas.

Wasiirka gaashaandhiga oo ka hadlay arrinta Kismaayo

Wasaaradda difaaca ee dowladdaSoomaaliya ayaa ka war bixisay ujeeddada ay u tageen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS