4 entries

Articles Published on March 27, 2013

Wabiga Jubba oo laga baqayo in uu ku fataho qeybo ka mid ah Gedo

Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka cabsi  qabaan fatahaad uu sameeyo wabiga Jubba ee mara Luuq kadib markii uu wabigu Keenay Biyo aad u badan oo uu wabiga wado.

Wasiiro ka tirsan Somaliland oo Awdal u jooga dhameynta khilaafaad

Wasiiro ka tirsan kuwa maamulka Somaliland, oo waayadanba joogey qeybo ka mid ah gobolka Awdal, ayaa maanta gaaray deegaanka Xariirad ee degmada Seylac, halkaas oo bil ka hor ay ka dhaceen rabshado looga soo horjeeday doorashooyinkii golaha deegaanka.

Jawaari oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid wasiiru dowlaha horrumarinta adeegga bulshada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Barqadle oo sidoo kale ahaa Wasiirudowlaha Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Deeq la gaarsiyay guddi dhisaya waddo isku xirta Baki iyo Lug-haye

Gabdho Soomaaliyeed oo deggan dalka Ingriiska, ayaa lacag ay ku sheegeen inay horudhac ay tahay u soo dhiibeen guddiga dhisaya waddo isku xirta deegaannada Lug-haye iyo Baki ee gobolka Awdal.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS