Somaliland oo u digtay dalxiisayaasha qaar

Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cali Saciid Reygan, ayaa uga digay dadka dalxiisayaasha ah ee deegaannada Somaliland imaanaya inay gurtaan oo ay qaataan waxyaabaha qaddiimiga ah ee deegaannada Somaliland yaalla.

Somaliland oo u digtay dalxiisayaasha qaar

Cali Saciid Reygan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay jiraan dad aad u fara badan oo ku soo gala deegaannada Somaliland qaab dalxiisnimo ahaan ah ay haddana soo marin wasaaraddiisa.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay si dhuumaaleysi ah ku qaataan agabyada iyo waxyaabaha ay qaddiimiga ku tahay Somaliland.

Waxa uu dadka dalxiisayaasha ah ugu yeeeray inay iska soo diiwaan galiyaan wasaaraddiisa si loola socdo dhaq dhaqaaqyadooda.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Somaliland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS