121 entries

Articles Published in March, 2013

Bandhig faneed lacago loogu ururinaayo caruurta darbi jiifka ah oo Muqdisho xalay lagu qabtay

Bandhig faneed ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo loogu talo-galay in dhaqaalaha kasoo baxa lagu caawiyo caruurta darbiyo jiifka ah ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Midowga Yurub oo Muqdisho u wareejinaaya howsha tababarka ciidamada Soomaalida

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhaqso badan ugu rarayaan howsha tababaridda ciidamada Soomaaliya gudaha magalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, halkaasoo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka oo dambi burcad badeednimo ku heley rag Soomaali ah

Maxkamad Mareykan ah ayaa dambi ku heshay shan nin oo burcad badeed Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay weerareen markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay.

Somaliland oo u digtay dalxiisayaasha qaar

Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cali Saciid Reygan, ayaa uga digay dadka dalxiisayaasha ah ee deegaannada Somaliland imaanaya inay gurtaan oo ay qaataan waxyaabaha qaddiimiga ah ee deegaannada Somaliland yaalla.

AMISOM oo cambaareysay qaraxyadii shalay lagu qaaday maqaayad ku taalla Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa cambaareeyay weerarkii ulakaca ahaa ee shalay lagu qaaday maqaayad caan ah oo ay dadku ka cunteeyaan, taa oo ku taalla degmada Cabdilcasiis ee gobolka Banaadir.

Lacago been abuur ah oo Balad-weyne lagu qabtay

Ciidamada ammaanka ee magaalada Baladweyne, ayaa maanta qabtay gaari siday lacago been abuur ah oo la doonayay in la soo galiyo degmada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.

Duqii Balad-weyne oo la xirey, markii uu gacan qaad ku xigeenkiisa ilig uga tuuray

Waxa maalintii seddexaad xabsi ku jira duqii degmada Baladweyne Maxmaed Xasan Nuuriye, oo lagu eedeeyay in uu si ulakac ah ugu gacan qaaday ku xigeenkiisa maalmo ka hor.

Garroowe oo 2 Shabaab ah dil toogasho lagu xakumay

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolka Nugaal  ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday laba ruux oo lagu heley inay ka mid yihiin kooxda al-Shabaab islamarkaasina ay maleegeyeen qaraxyo.

Dhageyso warka idaacadda Sagal iyo Barnaamijkii Dhacdooyinka

Dhageystayaasheenna qiimaha mudan, warka idaacadda Sagal waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya xarrunta Radio Sagal ee magaalada Nayroobi.
War

Ardayad u socotey Jaamacad ay dhiganeysay oo Muqdisho saaka lagu dilay

Gabar arday jaamacadeed ahayd oo wax ka baran jirtay jaamacadda Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa dhimatay kaddib markii barqadii maanta lagu toogtay agagaarka iskuulka Maxamuud Xarbi ee ku yaalla degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen dad ka tirsan deegaanka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS