Askar toogasho lagu fuliyay gudaha Muqdisho

Maxkamadda ciidamada qalabka sida, ayaa seddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya maanta ku fulisay xukun dil ah.

Askar toogasho lagu fuliyay gudaha Muqdisho

Xukunka dilka ah, oo ka dhacay fagaaraha dugsiga tababarka ciidamada booliska ee Jeneraal Kaahiye, ayaa waxa ka soo qeyb galay daawashada toogashadaasi, madax ka tirsan ciidamada, maxkamadda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kale.

Maxkamadda, ayaa seddexda ruux ee la dilay ku heshay dambi ah inay hore u dileen dad barakacayaal ah iyo askari ciidamada dowladda ka tirsanaa.

Hore, ayay maxkamaddyu sidoo kale u fulisay xukunno nuucaani ah.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Toogasho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS