107 entries

Articles Published in February, 2013

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ingiriiska booqanaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa waxay gaareen caasimadda dalka Ingriiska ee London.

Dagaal dhimasho sababay oo xalay Balad-weyne ka dhacay

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo maleeshiyada al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay fariimo ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Amniga Marka oo Boolisku uu wax ka qabanayo

Boqol askari oo boolis aha ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inay sugayaan amniga xaafadaha magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Golaha ammaanka QM oo ka fakaraya in Soomaaliya cuna-qabateynta hubka laga qaado

Golaha ammaanka ee QM, ayaa ka fakaraya in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ay ciidamada dowladda Soomaaliya u qalabeysato.

Feysal Cali Waraabe "Rag Shabaab ka mid ah ayaa lagu arkey Somaliland"

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID, Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Somaliland lagu arkey dagaal yahanno ka tirsan al-Shabaab.

Kenya oo sheegatay in ay duqeyn ku dishay xubin sare oo Shabaab ka tirsana, ayna gubeen hub

Meleteriga Kenya, ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen horjooge Shabaabka ka tirsanaa, ayna sidoo kale gubeen hub iyo saanad ay Shabaabku lahaayeen.

Dhageyso warka Radio Sagal iyo barnaamijkii dhacdooyinka toddobbaadkii tagay ee Soomaaliya

Dhageystayaasheenna qiimaha mudan, warka idaacadda Sagal waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya xarrunta Radio Sagal ee magaalada Nayroobi.
War

Madaxweyne Siilaanyo oo darajooyin siiyay markii ugu horreeysay saraakiisha Meleteriga Somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta ka qeyb galay 19 sano guuradii ka soo wareegatay markii la’aas aasy ciidamada meleteriga ee maamulka Somaliland.

AMISOM oo cambaareysay weerar madaafiic ah oo Balad-weyne dhawaan lagu qaaday

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM loo soo gaabiyo, ayaa cambaareeyay weerar madaafiic ah oo arroortii Jimcaha ay kooxda Shabaabku ku qaadeen degmada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay bandhig dhaqameed caalami ah oo Kenya lagu qabtay

Dalka Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay bandhig dhaqameed caalami ah oo Nayrobi maanta lagu qabtay, kaa oo ay ka qeyb galeen illaa iyo 15 waddan, oo ka kala socday qaaradaha kala gaddisan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS