Kulan amniga iyo horrumarinta Banaadir looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay

Kullan looga hadlaayay dhinacyada nabad galyada, horrumarinta caasimadda iyo fulinta mashaariic dhowr ah oo maamulka gobolka Banaadir doonaayo in uu ka fuliyo Muqdisho, ayaa maanta lagu qabtay xarrunta gobolka Banaadir.

Kulan amniga iyo horrumarinta Banaadir looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay

Kullankan, oo uu guddoominaayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb galay guddoomiyayaasha 17- degmo oo Banaadir ka mid ah, oo ay ku jirto degmadii ugu dambeysay ee la magacaabay ee Kaxda.

Afhayeenka gobolka Banaadir Md. Maxamed Yusuf Cismaan, ayaa sheegay kulankaasi markuu soo dhammaaday kadib in guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ay mas’uul ka yihiin nadaafadda, iyo bilicda degmooyinka ay ka arrimiyaan.

Waxa uu sidoo kale Maxamed Yusuf sheegay in xubnaha maamulka gobolka Banaadir ay ka arrinsadeen dar-dar galinta mashaariic horrumarineed oo uu maamulka doonaayo in sanadkan ka fuliyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Amni

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS