Tarsan oo u digay dadka dhistay hareeraha waddooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa ugu baaqay dadka dhistay waddooyinka hareerahooda inay sida ugu dhaqsiyaha badan halkaasi uga guuraan, islamarkaasina uu maamulku bur burin doono dhismooyinka sharci darrada ah.

Tarsan oo u digay dadka dhistay hareeraha waddooyinka

Md. Tarsan, ayaa hadalkaasi ka sheegay shalay Muqdisho. Waxana uu sidoo kale ka dhawaajiyay inay wadaan qorshayaal lagu dayactiraayo waddooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho, oo sida ugu dhaqsiyaha badan ay u billaabi doonaan.
Guddoomiyaha gobolka, ayaa  sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’antahay soo celinta bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho ee xarunta waddanka Soomaaliya, isagoona  ballan qaaday in bilaha soo aaddan uu wax weyn iska bedeli doono bilicda caasimada Muqdisho.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Tarsa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS