Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Rome gaartay

Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibbadda dalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden, ayaa safar shaqo ku tagtay waddanka Talyaaniga, iyadoo magaalada Rome ee xarrunta dalkaasina ay ku soo dhaweeyene safiirka Soomaaliya ee dalkaasi iyo diblumaasiyiin kale.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Rome gaartay

Socdaalka wasiirka arrimaha dibbadda dalka ee Rome, ayaa lagu micneeyay inay tahay u gogol xaarridda socdaal uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku tagi doono Rome.

Waxay xalay Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden Rome kula kulantay daniraha Soomaaliya ee Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Italy, kuwaas oo ka arrinsaday xaaladda safaaradda iyo socdaalka madaxweynaha uu ku imaan doono Rome.

Warar ku dhow dhow wasiirka arrimmaha dibbadda Soomaaliya, ayaa sheegay in maanta ay la kulmi doonto dhiggeeda taly oo ay ka arrinsan doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dadaal ugu jira sidii ay dowladdiisa ugu guuleysan laheyd xiriirka caalamiga ah, ayna sidoo kale mid wada shaqeyn oo toos ah u la yeelan laheyd dalalkii hore wada shaqeynta ka dhaxeysay.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Fowsiyo

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS