Shabaab la sheegay inay iska soo dhiibeen Shabellaha Dhexe
Maleeshiyad la sheegay inay Shabaab ka tirsnaayeen, ayaa shalay iyo maantaba waxay isku dhiibayeen saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii odayaasha deegaankaasi ay ku baaqeen in dhalin yarada ka mid ah al-Shabaab ay ka soo noqdaan ka mid ahaanshiyaha Shabaab.

Nabadoon Amiin oo ka mid ahaa nabaddoono dhawaan heshiis la galay madaxda gobolka Shabellaha Dhexe iyo saraakiisha ciidamada, ayaa sheegay in illaa iyo lix dhalin yaro ay shalay iyo maanta isa soo dhiibeen.
Nabadduunku waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in maalmaha soo socda ay tiro kale oo badan ay ka soo bixi doonaan dhinaca al-Shabaab.
Amiin, ma’aanu sheegin haddii ay dhalinyaradan wateen wax hub ah iyo in kale.
Arrimahan waxay imaanayan xilli sanadkii hore dhammaadkiisa, ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen xarrunta gobolka Shabellaha Dhexe ee Jowhar
Sagal Radio
Comments