Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa Sudan la kulmay, lana hadlay ardada Soomaaliyeed ee Sudan wax ku barta

Madaxweynaha Jamhuurriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Khartoum ee xarrunta dalka Sudan kula kulmay dhiggiisa Cumar Xasan Al-Bashiir shalay.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan al-Bashiir oo madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud dalkiisa ku soo dhaweynaya

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan al-Bashiir oo madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud dalkiisa ku soo dhaweynaya

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Md. C/kariin Xuseen Guuleed, oo ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Sudaan booqanaya, ayaa  sheegay in labada madaxweyne ay ka arrinsadeen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca nabad galyada iyo waxbarashada.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sidoo kale sheegay in lacago loo daabacay Soomaaliya oo dowladddi KMG aheyd ka dalbatay inay Sudan lacagtaasi u daabacdo, oo hadda diyaar ah lagu heshiiyay inay Sudan sii heyso lacagtaas tan iyo inta laga tayaynaayo laamaha maaliyeed ee dowladdda.

Waxa uu wasiirku sidoo kale sheegay inay ay labada hoggaamiye ka arrinsadeen sidii Sudan ay uga qeyb qaadan laheyd taageerada ay dowladda Soomaaliya ka fileyso caalamka, si dowladdu ay u noqoto mid ay iskeeda u istaagto kuna guuleysto howlaha hor yaalla.

Dhinaca kale wafdiga madaxweynaha, ayaa la kulmay ardada Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Sudan xalay.

Waxa uu madaxweynuhu uga warbixiyay ardadu xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka,waxana uu ardada ku booriyay inay waqtigooda ka faa'ideystaan oo waxa ay  bartaanna dalka dib ugula soo noqdaan.

Wafdiga madaxweynaha, oo laba maalin ka hor Suudaan gaaray, ayaa la rajeynayaa inay maanta dib ugu  noqdaan dalka.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Kulan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS