Haween dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray goob xaflad aroos ka socotay oo Shabaab ay rasaaseeyeen

Hal qof, ayaa dhintay seddex kalena way dhaawacmeen, kadib markii kooxo la sheegay inay Shabaab yihiin ay rasaaseeyeen goob aroos toddobo bax ay ka socotay tuulada Booco oo qiyaastii 65 KM u jirta magaalada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan shalay galinkii dambe.

Haween dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray goob xaflad aroos ka socotay oo Shabaab ay rasaaseeyeen

Dad ku sugan tuuladaasi, ayaa sheegay inay afar haween ah ay ku dhaawacmeen rasaastaasi, iyadoo mid ka mid ah haweenkaasina ay dhexda ku dhimatay xilli loo soo waday magaalada Balad-weyne si loogu daweeyo.

Wararka, ayaa sheegaya in tuulada Booco,oo ay joogaa kooxda al-Shabaab ay ka soo horjeedeen qaabka ay dadkaasi xafladda toddobbo baxa ah ay u qabsanayeen.

Dhinaca kale, cidamada dowladda ee magaalada Baladweyne, ayaa dhaawacay nin lagu eedeeyay in uu ka dhego adeegay amar ay ciidamadu siiyeen.

Taliyaha ciidamada booliska Baladweyne Col. Cali Cabdi Mahad Alle, ayaa sheegay in ay ciidamadu toogteen ninkani, oo sida uu yiri saarnaa mid ka mid ah guryaha ku dhow dhow saldhigga booliska magaalada Baladweyne, markii ay ciidamadu ku amreenna in uu soo dego uu isku dayay in uu  baxsado, ayna ciidamadu rasaas lugta kaga dhufteen.

Taliyaha, ayaa sheegay in la sii baari doono ninkan, oo ay ciidamadu sidoo kale geeyeen cisbitaalka Baladweyne.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Aroos

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS