Wasiir Fiqi oo ka war-bixiyay socdaalkiisa Baydhabo

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Md. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaalka wafdiga uu isaga hoggaaminaayo ee Baydhabo booqashada ku tagay shalay.

Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, oo saaran dayaaradda uu ku safar tagay

Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, oo saaran dayaaradda uu ku safar tagay

Xubnaha wafdigiisa, oo ay ka mid yihiin xildhibaanno, saraakiisha ciidamada iyo wasiir ku xigeenno, ayaa waxa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo shalay maamulka gobolka Bay iyo kan degmada.

C/xakiin Fiqi, ayaa la hadlay dadweynaha Baydhabo, waxana uu sheegay in ujeedka socdaalkooda ay tahay qiimeynta xaaladaha nololeed ee dadka reer Baydhabo iyo midda ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Waxa uu sheegay in wafdigiisaasi ay soo direen madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha.

Waxa uu wasiika gaashaandhigga sheegay in muddada ay joogaan Baydhabo ay si qoto dheer u eegi doonaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada, ayna ku dadaali doonaan daryeelka ciidamada guud ahaanba.

Waxa uu dadka gobolka Baay, uu uga mahad celiyay taageerada ay dowladda u muujiyeen, isagoo sidoo kale rajo wanagsan ka muujiyay in deegaannada gobolka Bay ee ay hadda Shabaabku ka joogaan dhawaan laga saari doono.

Wafdiga wasiirka gaashaandhigga, ayaa xalay ku hoyday Baydhabo, iyadoo maantana uu sii wadayo kulamada, dabadeedna uu dib ugu noqon doono Muqdisho.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Fiqi

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS