Baarlamaanka oo ansixiyay guddi hoosaadyada uu yeelanaayo baarlamaanka
Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isku raacay sameynta guddi hoosaadyo 15 gaaraya, oo ay ku jiraan guddiyada dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka, kan maaliyadda, la xisaabtanka iyo guddiga xaqiiqo raadinta dib u eegista iyo hanti soo celinta iyo gudiyo kale,.
Fadhiga oo ay soo xaadireen 176 xildhibaan, ayaa waxa ogolaaday sameynta 15 kaas guddi, 167, waxa diidey lix xildhibaan halka seddex xildhibaanna ay ka aamuseen.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaasi guddoominaayay Md. Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in guddiyadaasi ay ansax yihiin, hadda iyo wixi ka dambeeyana ay guda gali doonaan shaqooyinkooda.
Maalmahanba, baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka doodayay sameynta guddi hoosaadyada baarlamaanka uu yeelanaayo.
Sagal Radio
Comments