Xarrun caafimaad oo cusub oo laga furey Laascaanood

Xarun Cusub oo caafimaad oo ay maalgeliyeen dhakhaatiir dhowaan dalka debediisa ka soo laabtay ayaa maanta laga furay magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Xarrun caafimaad oo cusub oo laga furey Laascaanood

Xaruntanbar oo loogu magac daray Xarunta Dhakhaatiita Nugaal "Nugaal Doctors Plaza" ayaa waxa la dhigay agabka caafimaad ee isbitaaladdu u baahan yihiin sida uu sheegay Dr. Yuusuf Saleebaan Sancad, maruu ka hadlayey xafladii furitaanka xaruntan.

Dr. Yuusuf waxa uu ugu baaqay qurba joogta in gobolka Sool uu yahay mid dihin oo maalgashi u baahan isagoo xusay in ganacsiga intuu joogey qiimayn uu ku sameeyey uu dhamaantii yahay qabyo. 

Gudoomiyaha gudiga ganacsadda degmada Laascaanood C/risaaq Axmed Warsame ayaa waxa uu balan qaaday inay soo dhoweynayaan hawsha ay dhakhaatiirtani qabteen iyadoo baahi aad u weyn loo qabey, isagoo intaasi ku daray inay ganacsato ahaan wixii karaankooda ah ay ka gacan siinayaan baahida koboca xaruntani.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka magaaladda Laascaanood oo soo dhoweeyey furitaanka xaruntan oo ay dhamaantood qireen inay tahay baahi taagnayd.

Rugtan ayaa ah xaruntii ugu balaadhnayd ee abid laga furo magaaladda Laascaanood iyadoo ay inta badan jiraan baahi dhinaca caafimaadka ah oo ka taagnayd xarumo hore u furaana ay xidhmeen.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Xarun

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS