Shil dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo soo gaaray booliiska Somaliland

Shan qof oo ka tirsan ciidamada booliska Somaliland,ayaa ku dhimatey 25 kalena waxa soo gaaray dhaawacyo, ka dib markii gaari ay ciidamadu la socdeen uu kula qallobmay shalay galinkii dambe tuulada Haleeye, oo 10 KM dhinaca bari ka xigta magaalada Hargeysa ee xarrunta Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle Duur, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid xubnaha booliska Somaliland ka mid ah

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle Duur, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid xubnaha booliska Somaliland ka mid ah

Goobta uu shilkani ka dhacay oo ah jidka taga magaalada Berbera waxa dadkii dhaawacmey lagu daweynayaa cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Max'd Nuur Carraale (Duur) ayaa heegay in shilkani uu ahaa kii ugu xumaa ee soo mara poliska, waxaanu tacsi u direy eheladii ay ka geeriyoodeen shanta qof ee poliska ahaa.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Shil

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS