Siiriya iyo Soomaaliya oo noqday 2-da dal ee ugu dhimashada badan suxufiyiinta sanadkii tagay ee 2012
Hay’adda caalamiga ah ee suxufiyiinta IFJ, ayaa soo cusbooneysiisay baaqa ay u direyso QM iyo dalalka adduunka si loo joojiyo dhibaatada iyo dilalka loo geysanaayo suxufiiyinta.
IFJ, ayaa sheegtay in sanadkan (2012) oo kaliya caalamka lagu dilay 121 suxufi, oo howlahooda shaqo ku guda jirey.
IFJ
waxay sanadkii tagay ee 2012 ku tilmaamtay in uu ka mid aha kii
ugu dhimashada badneyd dadka warbaahinta ka shaqeeya.
Waxay hay’addu ugu yeertay QM iyo dalalka adduunka ee lagu
dhibaateeyo suxufiiyiinta inay la yimaaddan qorshayaal lagu bad
baadinaayo wariyayaasha, ee dhibaateynta uu dilku ka mid yahayna laga
hor istaago.
Soomaaliya, ayaa kaalinta labaad ka gashay sanadkan dalalka ugu
dhimashada badan suxufiyiinta oo lagu dilay 18 wariye, waxana ka
horreya oo wariyayaasha lagu dilay Soomaaliya ka badan kuwa Siiriya
sanadkan, oo iyana 35 wariye lagu dilay. Pakistaan iyo Mexico ayaa min
10 wariye lagu dilay.
Halka Filibiin iyo Ciraaqna min shan lagu dilay.
Sagal Radio
Comments