Golaha wasiirada oo ka doodey arrimo amniga uu ka mid yahay
Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka arrinsaday sidii loo dhameystiri lahaa ballan qaadyadii xukuumadda ee 100-ka maalin.
Fadhi ay wasiirada Muqdisho ku yeesheen kaas oo uu guddoominaayay
raysal wasaaraha Soomaaliya Md. C/faarax Shirdoon Saacid, ayaa diiradda
lagu saaray wax yaabihii u qabsoomay 45-kii cisho ee ay ka soo
wareegatay markii la ansixiyay wasiiradii ugu horreeyay iyo wax qabadkii
boqolka maalin ee ay ballan qaadday xukuumaddu iney la imaaneyso.
C/laahi Ciil Mooge Xirsi, oo ah wasiirka warfaafinta Soomaaliya,
ayaa sheegay in goluhu uu isku raacay sidii loo dar dar galin lahaa
howlaha u harsan, ayna xoogga usaari lahaayeen dhinaca amniga.
Raysal
wasaaraha Soomaaliya Md. Saacid,ayaa ugu baaqay wasiirada inay howsha
loo igmaday ay u dhabar adeegaan kana soo baxaan howsha lagu aaminay.
Waxaa uu goluhu rajo wanagsan ka muujiyay in uu wax qabad dhab ah la yimaaddo, muddada ay xukuumaddan jirto.
Sagal Radio
Comments