Shan qof oo ka tirsan ciidamada booliska Somaliland,ayaa ku dhimatey
25 kalena waxa soo gaaray dhaawacyo, ka dib
markii gaari ay ciidamadu la socdeen uu kula qallobmay shalay galinkii
dambe tuulada Haleeye, oo 10 KM dhinaca bari ka xigta magaalada Hargeysa
ee xarrunta Somaliland.