Bannaanbax Boorame ka dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Hal qof ayaa ku dhintay 4 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray dad bannaanbax samaynayay iyo ciidamo ilaalinayay wefti uu hogaaminayay M/xigeenka Somaliland C/raxaam Saylici, weftigaasi oo galinkii dambe ee shalay abaaro 5:00PM soo gaadhay Boorama, dadka banaanbaxa samaynayay ayaa dhagax iyo walxo kale ku xidhay jidadka magaalada Boorama.

Bannaanbax Boorame ka dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Weftiga oo la geeyay hotelka RAYS ee magaalada Boorama ayay dadweynaha gadoodsani kaga daba tegeen halkaasi, dhalinyarada oo iyagu u badnaa dadka mudanaharaadka samaynayay ayaa dhagaxtuur ku samaynayay ciidamada ilaalada ah ee la socda weftiga oo kaashanaya ciidamada Booliska magaalada Boorama.

Rasaas ay ciidamadu ku jawaabeen, ayaa waxay sababtay geerida hal ruux iyo dhaawaca afar kale.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka ee ka hawlgala cusbataalka guud ee magaalada Boorama ayaa xaqiijiyay dhaawaca 4ta qof iyo qof dhimshada ah oo wiil dhalinyaro ah.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka horeeyay mid gelinkii hore ee shalay dhacay magaalada oo aan khasaare geysan, balse ilaa hada waxa ka socda magaalada Boorama iska hor imaadka Booliska iyo dadka banaanbaxaya ah.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Boorama

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS