Ciidamo nabad-sugid ah oo howl gallo ka wada Jowhar

Ciidamo isugu jira boolis iyo nabad sugid, ayaa howl gallo amniga lagu sugaayo ka wada degmada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo maalmo ka hor ay dowladda Soomaaliya ka qabsatay kooxdii al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo howl galka Jowhar ka socda qeyb ka ah.(Sawirka Radio Muqdisho)

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo howl galka Jowhar ka socda qeyb ka ah.
(Sawirka Radio Muqdisho)

Ciidamadan oo ah kuwa si gaar ahaaneed u tababaran, ayaa wararku waxay sheegayan inay xaafadaha qaar ee degmada Jowhar ka wadaan howl galo lagu baadi goobayo haraadiga kooxda al-Shabaab ama hub magaalada looga dhex tagay, sida ay saraakiil sheegeen.

Intii uu howl galka socday, ayaa qarax loo maleynaayo in uu ahaa miino waxa uu ka dhacay buundada degmada Jowhar kala qeybisa, kaas oo uu ku dhaawacmay wiil ardey ahaa oo meesh amarayay markii uu qaraxa dhacayay, sida uub sheegay Nuur Cali oo ka mid ah dadka reer Jowhar.

Nuur, ayaa sheegay markii uu qaraxa dhacayay aanay goobta ka ag dhaweyn wax ciidan ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howl galka wada, ayaa la rajeynaya inay faafaahin dheeraad ah ka bixiyaan howl galka maanta ay ka wadaan degmada Jowhar.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Howlgal

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS