Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal C/kariin Yusuf Aaden (Dhega-badan), ayaa sheegay inay degan tahay hadda xaaladda degmooyinkii ay ciiadmadooda iyo kuwa AMISOM ay shalay kala wareegeen al-Shabaab ee Jowhar iyo Mahaddaay, oo ka wada tirsan Shabellaha Dhexe.