Xuska maalinta AIDS-ka Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabad lagu weyneynaayo maalinta kowda Diseembar ee dadka lagu guubaabiyo ka hortagga cudurka dilaaga ah ee ka dhasha Bakteeriyada HIV ee AIDS, ayaa manta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xuska maalinta AIDS-ka Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabaddan, oo ay soo qaban qaabisay ururka Horrumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee S.W.D.C, ayaa lagu qabtay xarrun dadka barakacayaasha lagu quudiyo oo ku taalla agagaarka Tarbuunka ee degmada Hodan, maaddama barakacayaashu ay ka mid yihiin dadka u nugul cudurkan.

Waxa goobta lagu soo bandhigay barnaamijyo ka hadlaya sida lagu kala qaado cudurka iyo qaabka looga hor tagi karaayo.

Dadkii ka soo qeyb galay munaasabaddan, ayaa sidoo kale loogu yeeray in aan la takoorin dadka la nool HIV/AIDS.

Daraasaad caalami ah, ayaa sheegtay in cudurkan intii u dhaxeysay sanadihii 1981-dii illaa 2007-dii ay u dhinteen dad ka badan 25 milyan oo qof.Kowda Diseembar, sanad kaste, dadka ayaa lagu dhiira galiyaa inay ka hor tagaan cudurka AIDS-ka oo aan illaa iyo hadda dawo rasmi ah loo helin, marka laga reebo dawooyin kaalmaati ah oo qofka la nool HIV/AIDS uu qaato, si aanu si deg deg ah ugu soo dhicin cudurkaasi.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  XUS

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS