Shan ruux, ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen toddobo kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu dagaal beeleed maanta ku dhex maray tuulada Mareer oo qiyaastii 100 KM u jirta magaalada Dhuusa-marreeb ee xarrunta gobolka Galgaduud maleeshiyo beeleed wada dega gobolkaasi.