Raysal wasaare Saacid oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Michel Carves Deurso, oo booqasho ku tagay Xamar.

Raysal wasaare Saacid.

Raysal wasaare Saacid.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Raysal  Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa markii uu soo dhamaday si wadajir ah saxaafada warbixin uga siiyay Raysal  Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Waxay labada mas'uulba sheegeen inay ka wada arrinsadeen arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii xiriirka labada dhinac loo xoojin lahaa.

Raysal wasaare Saacid, ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay inay Muqdisho ku soo dhaweeyaan ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Ma'ahan markii ugu horeysay ee wafdigaasi uu hoggaamiyo Michel Carves Deurso ay Muqdisho gaaraan.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Raysal

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS