AMISOM oo buuxisay meelo ay Itoobiyaan banneeyeen

Ciidamada AMISOM ee Hiiraan jooga, ayaa maanta la wareegay fariisimo ay banneeyeen ciidamadii Itoobiya ee Baladweyne joogay tan iyo markii ay halkaasi ka saareen kooxdii al-Shabaab.

Ciidamada Jabuuti ee AMISOM qeybta ka ah, oo garroonka Aaden Cabdulle Muqdisho ka soo deganaya.

Ciidamada Jabuuti ee AMISOM qeybta ka ah, oo garroonka Aaden Cabdulle Muqdisho ka soo deganaya.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan ee dhinaca nabad galyada Axmed Cabdalle Cismaan (Inji), ayaa sheegay in ay ciidamadu xarrumo ka sameysteen xarrunta KMG ah ee maamulka gobolka Hiiraan uu ku shaqeeyo, xarruntii hore ee maamulka Hiiraan, dhismaha maamulka degmada Baladweyne iyo meelo kale oo Baladweyne ah.

Axmed Inji, ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay isku dayo amniga Baladweyne lagu adkeynayo.

Ciidamadii Itoobiya ee Baladweyne joogay, ayaa bishii September ka guuray dhammaan xarrumihii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Baladweyne, iyagoo degay xarrunta Janta Kuundishe oo qiyaastii 5 KM Baladweyne u jirta.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Axmed Inji, ayaa sheegay in dhawaan ciidamada dowladda ee Baladweyne jooga laga daabuleyn doono, si tababar dheeraad ah loogu furo.

Waxa uu dadka deggan xarruntii ciidamada ee Lama-galaay, Baladweyne ugu yeeray inay halkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan markan u banneeyaan, ayna maamulka xarruntaasi ku soo wareejiyaan.

Sagal Radio

Section  Somali
Categories   Community Immigration Local News
Tag  Baladweyne

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS